Hordhac
Sida ay ku sheegtay hay’adda FAO 2014 tirakoobka geela dunida ku nool in qiyaastiisu tahay 19m, 15m kamid ah geelaas wuxuu ku nool yahay Africa, halka 4m ay ku nooshahay Asia, waxaa la aamin sanyahay 17m kamid ah inuu yahay geela hal kurus laha ah (Dromedary Camel), 2 million ee kalena yahay geela labo kurus la ha ah (Bactrian Camel). 60% una dhiganta tiro ahaan 10.2 m geela halka kurus leh wuxuu ku nool yahay wadamada Somalia, Sudan, Kenya iyo Ethiopia. Halka 6m oo kamida ay ku nooshahay dhulka somalida kaasoo noqonaya geela ugu tirada badan inuu ku noolyahay wadanka Somaliya.
Noocyada Geela ee Dunida Laga Helo iyo Tiradiisa
Waxaa sidoo kale jira noocyo kale oo bahda geela lagu tiriyo sida Alpacas (7.5 m), llamas (4 million), vicuñas (350,000), iyo guanacos (600,000), noocyadaas oo ku nool Konfurta America. Tirakoobyadii u danbeeyay ee sannadkan 2024 waxay sheegaysaa in tirada guud ee geela dromedary (hal kurus laha) iyo Bactrian (laba kurus laha) ee laga helo Africa iyo Asia uu gaarayo 42 million halka 2014 uu ka ahaa 19 million, taas oo ka dhigan in taranta geelu aad u kordhayso marka loo barbardhigo xoolaha kale sida Adhiga iyo Lo’da.
Muhimada Geelu u Leeyahay Dadka Dhaqda
In ka badan 90 wadan ayaa ku nool waxyaabaha la ga helo geela sida hilib, caano iyo dhogor, Dadkaas geela ku tiirsan oo malaayiin kor u dhaafaya badankoodu waxay ku kunool yihiin dhulalka sare ee Saxaraha iyo Saxare-xgeenka.
Tusaale ahaan wadankeena Somalia 45% waxaa laga dhamaa caanaha geela, marka loo fiiriyo dunida kale Soomalidu waa dadka ugu isticmaalka badan caanaha geela iyo sidoo kale hilibkiisa. Geelu wuxuu soo daayaa In ka yar 2% Hawooyinka (gass) ka qeyb qaata isbedelka cimilada, taasoo ka dhigan inuusan khatar weyn ku ahayn dikhowga cimilada ama wasakhowga hawada iyo isbedelka taban ee cimilada.
Aqoonsiga Geela ee Hay’adda FAO (Food and Agriculture Organisation)
Waxay Hay’adda FAO aqoonsaday sanadkan 2024 waxtarka Geelu u leeyahay nolosha iyadoo laga eegay dhanka bulashada iyo dhanka dhaqaalahaba. Sidaa darteed waxaa la bixiyay halhees la magac baxay “Heroes of the Deserts and Highlands” oo macneheedu yahay halyeeyga ama geesiga dhulka sare iyo kan lamadagaanka oo loola jeedo geela. Iyadoo taas laga duulayo ayaa geela loo sameeyay astaan sannadeed u gaar ah oo loogu magac daray “International Year of Camillids.” Taas oo lagu xusayo laguna xasuusanayo waxtarkiisa iyo qiimaha uu ku dhexleeyahay noloshada Aadamaha.
Ujeedka Astaanta sanadlaha ayaa loo sababeeyaa qodobada soo socda:
1- In lagu baraarujiyo bulshada waxtarka iyo fursadda geelu u leeyahay dadka dhaqda.
2- In la tayeeyo wax-soo-saarkiisa iyo waxtarkiisa kale sida in la gaadiidsado ama la rarto.
3- In laga qayb qaato wacyigelinta isticmaalka wax-soo-saarka geela sida hilibka iyo caanaha.
4- In la abuuro wada shaqayn dhexmarta dadka xoola dhaqatada ah iyo dawladahooda si ay isaga kaashadaan horamarka geela iyo kordhinta wax-soo-saarkiisa.
5- In laga qayb qaato maalgashiga, cilmi baarista iyo hormarinta geela.
WAX YAABAHA U GAARKA AH GEELA,
- Waa neefka kaliya ee ku siin kara caano badan xili dheer iyadoo xaaladu adagtahay marka loo barbardhigo xoolaha kale
- Cel celis ahaan maalinkiba waxaa laga heli karaa caano dhan 3-10 liter, inta uu irmaan yahay, intaas waa ka caano badnaan karaa marka loo dhaqaaleeyo sida casriga ah, cilmo baarisyada qaar ayaa gaarsiiya in laga heli karo 25L, waxaana la helayaa ganacasato geeley ah oo kamaalay hal kamida geeliisa 40 liter oo caana ah 24 saac gudohooda.
- Haasha Geelu waxa ay ku qaan gaartaa ama ku rintaa (4-5) ama 5-6 sano, Sidkeeduna (gestation period) wuxuu gaaraa 13 bilood, waxaana la maali kara ama uu irmaanaan karaa sanad iyo lixbilood illaa labo sano.
- Miisaanka geela somaliya lagu dhaqdo wuxuu u dhexeeyaa 450 kg ilaa 750 kg.
- Caanaha geela waxaan ku badan vitamin A, C iyo B, sido kale waxaa laga helaa macdan kala duwan sida (calcium, iron, copper, manganese, magnesium )
- Sidoo kale caafimaad ahaan waxaa la xaqiijiyay inuu u fiicanyahay dhamaan cudurada loo yaqaano outoimune diseases sida sokorowga nooca loo yaqaan (diabetic 1) Alergiga iyo sidoo kale Autosimka.
- Wax yaabaha caanihiisa laga sameeyo waxaa kamida Yoghort-ka, Cheese-ka, Icecream iyo chocolete-ka.
- Waxaa kaloo la sheegaa in hilibkiisa uu ku yar yahay dufinta, iyo cholesterolka, sidaas darteedna uu u ficannyahay caafimadka dadka. Intii aan ku raadjoogay baadhitaanka macluumaadka geela la xiriira lama kulmin cilmi baaris ka hadlaysa in cunista hilibka geelu ay xidhiidh la leedahay dabeecad xumada (aggression) iyo dhaqan aan wanaagsanayn, taas oo ay u badantahay inay tahay waxaan jirin oo asal lahayn.
W/Q: SAKARIYE IBRAHIM (KU TAQASUSAY GEELA)
EMAIL:zakaria.issack@paro.so
